Deg Deg:- diyaarad nooca drones wax basaasa Oo kusoo dhacdey degaan hoos yimaada degmada wanlaweyn ee G/Sh/Hoose

0
136

War hada soo dhacay ayaa sheegtay in diyaarad Drone ah oo ay ku xiran yihiin Kaamirooyin ay maanta ku soo dhacday deegaan ka tirsan degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay gacanta kuhayaan  diyaaradan wax basaasa ay leedahay dowladda Mareykanka.

Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaaradan ay ku rakiban yihiin kaamirooyin casri ah, isla markaana ka soo kacday Garoonka Balli-doogle.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, gaar ahaan kuwa wax basaasa ayaa dul heehaaba deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Ma ahan markii u horeysay oo meelo ka mid ah Soomaaliya ay ku soo dhacaan, diyaaradaha wax basaasa, Al-Shabaab ayaa sanadkii hore diyaarad yar oo kuwa wax basaasa ku soo bandhigtay

degmada Diinsoor, markii ay dhacday.

 

 

Wixii kusoo Kordha kala Soco wepka idaacada Dowlada KGS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here