Deg Deg: Kooxo hubeysan oo Dil ka geystay Degmada Shibis

0
102

Wararka inaga soo gaaraya degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay goor dhow xaafada Maana-booliyo ee degmada Shibis ku dileen Haweeney Gudoomiye waaaxeed ka aheyd degmadaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay ahaayeen Labo wiil oo Bistoolado ku hubeysnaa, waxaana la sheegay in Haweeneyda gurigeeda loogu galay kadibna dhowr xabadood lagu dhuftay sidaasina ay halkaasi ugu geeryootey.

Haweeneyda la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Seeboow, iyadoo degmada Shibis si aad ah looga garanayay sida dadka deegaanka  ay usheegeen.

Kooxaha dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana ilaa iyo hada aanan jirin cid sheegatay Mas’uuliyada dilka loo geystay Haweeneydaasi.

Ciidamada amaanka degmada Shibis ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaana baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Maalmihii udambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysnayay Mas’uuliyiinta dowladda iyo dad shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here