Deg Deg: Madaxweynaha Turkiga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

0
95

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdoga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxa ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxda dowladda oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale xariga ka jari doona safaarada Turkiga ee dhowaan ay ka dhisatay magaalada Muqdisho iyadoo safaaradana ay tahay mid si casri ah loo dhisay, waxana la sheegay in safaaradan ay ka mid tahay safaaradaha ugu casrisan ee ka dhisan qaarada Afrika.

Booqashadan ayaa noqnaysa tii 3aad ee uu Erdogan uu ku yimaado dalka Soomaaliya dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne Erdogan yimid Muqdisho isagoo xariga ka jaray mashaariic ay dowlada Turkiga ka hirgelisay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here