DEG DEG: Nin hubeysan oo dad badan ka afduubtay Duleedka PARIS Ee dalka Faransiiska..

0
98

(RKGS) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in nin hubeysan uu madax furasho ahaan u qabsaday dad dhowr ah guri ku yaala duleedka Paris, kadib markii uu Mindi ku dilay sarkaal Boolis ah oo gurigaasi lahaa.

Shilkan ayaa ka dhacay Manivièle oo ah magaalo u dhow caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, kuna taalla waqooyiga galbeed ee caasimadda.

Ninka dableyda ah ayaa madax furasho u qabsaday qoyska guriga ku noolaa, waxayna Boolisku sheegeen inaan weli la ogeyn ujeedka ninkan.

Ciidamada gaara ayaa isku xeeray guriga, iyadoo howlgal la filayo inay qaadaan si ninkaasi looga badbaadiyo qoyska uu heysto.

Wixii warar ah ee Kusoo Kordha waan idinsoo gudbin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here