Deg Deg: Taliyaha NISA oo xilka ka qaaday Iyo Taliye KMG Ah Durba Loo magacaabey

0
118

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016.

Jen. C/raxmaan Tuur Yare oo ah dhalinyaro ayaa xilkan loo magacaabay sanadkii 2014, dadka yaqaana arrimaha sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa ku dhaliilayay in aanu waayo aragnimo iyo aqoon u laheyn xilka loo magacaabay.

Waa taliyihii 3aad ee xilka qaadis lagu sameeyo saddexdii sano ee u dambeysay, iyadoo afartii sano ee la soo dhaafay xilka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ay soo mareen illaa afar Taliye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here