DEG-DEG: Xiriirka Kubada Cagta Spain Oo Jawaab Ka Bixiyay Racfaankii Ay Real Madrid Ka Gudbisay Ganaaxii Ronaldo Miyaa Laga Ogolaaday Mise?

0
89

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa si Rasmi ah u diiday racfaan ay kooxda Real Madrid ka soo gudbisay ganaaxii 5-ta kulan ahaa ee dusha laga saaray xiddigeeda Cristiano Roanldo.

Cristiano Ronaldo ayaa laba kaar oo digniin ah iyo kaarka cas qaatay kulankii ay kooxdiisa Real Madrid guusha 3/1 ah ka gaartay lugta 1-aad ee koobka super cup-ka Spain.

 

Xiriirka kubada cagta ayaa ganaax 5 kulan ah garka u galiyay xiddiga reer Portugal kadib markii uu sidoo kale kala tuuray garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulankaas.

Real Madrid ayaa si Rasmi ah xiriirka kubada cagta Spain ugu gudbisay racfaan ay doonayso in ay kaga qaadato ganaaxa 5-tan kulan ah ee xiddigan la dul dhigay.

Laakiin Real Madrid ayaa ku soo hungowday kadib markii uu xiriirku diiday in aanu aqbali doonin Racfaankaas oo uu Ronaldo dhamaysan doono ganaaxa la dul dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here