DegDeg: Shir maanta ka furmaya Uganda

0
95

Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arrimaha Qaxootiga, sida horeyba loo sii shaaciyay.

Magaalada Kampala ee dalka Uganda shalay waxaa tagay Madaxweynayaasha dalalka Gani Alfa Victor Okong’o, Madaxweynaha wadanka Gabon Ali Bongo, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), kan Zambia Edgar Lungu, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Xoghaya Guud ee QM Antonio Gutters.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Xildhibaano labada Gole ka tirsan.

Madaxdan ayaa dhammaantood iyo Madaxweynaha martida loo yahay Yoweri Musseveni ayaa ka qeyb galaya shirweyne laba maalmood soconaya oo taageero iyo isbar bar taag loogu sameynayo Qaxootiga.

Shirkan ayaa magaalada Kampala waxa uu ka furmayaa maanta oo 22-ka Juun ay Taariikhda tahay, waxaana la soo gaba gabeyn doonaa berri oo 23-ka Juun ay ku beegan tahay, sida ay sheegeen qaban qaabayaasha shirkan.

Uganda ayaa iminka martigelineysa Hal Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Qaxooti ah, waxaana ay fileysaa in ay uruuriso lacag dhan Laba Bilyan oo Dollar, taasi oo lagu caawinayo Qaxootiga labada sanadood ee soo socota.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa marka uu shirkan soo idlaado waxa uu la kulmi doonaa qaar ka tirsan Madaxda shirkaasi ka soo qeyb gashay, isaga oo kala hadli doona sidii taageero buuxda loogu muujin lahaa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here