DHAGEYSO:-Banaanbax looga soo Horjeedo Dhalinyaro Soomaali ah oo Hindiyo Dil ku xukuntay

0
104

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad bax ay soo qaban qaabiyeen dad shacab ah kaas oo ay uga soo horjeedeen sida ay dawlada Hindiya ula dhaqmayso dhalinyaro Soomaali ah.

Dibad Baxayaasha oo ku dhawaaqayey erayo ay kamid yihiin dooni mayno sida Hindiyo u xasuuqayso shacabka ayaa isugu soo baxay gudaha duleedka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Qaar kamid ah dadkii dibad baxa dhigayey ayaa dalbanayey in dawlada Soomaaliya iyo hay,adaha u dooda xuquuqda dadka ay ka hadlaan falka ay ku dhaqaaday dawlada Hindia.

Hadalkan dibad baxayaasha ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay Maxkamad ku taal dalka Hindiya ay shaacisay in xukun dil ah lagu riday 50 Dhalinyaro ah kuwaas oo dhamaan Soomaali ahaa.

Hoos ka dhagayso Codka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here