DHAGEYSO:- Ciidamada Konfur Galbeed Oo Degaano Katirsan G/BAAY Kala Wareegey Kooxda UGUS

0
117

KGS(RKGS) Ciidanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa xukuumadda Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-xaawo oo yaala inta u dhaxeysa Bardaale iyo degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Taliyaha  ciidanka Booliska gaarka ah ee Degmada Berdaale Isaaq Goobe  oo wareysi Gaar ag siiyay warbaahinta KGS ayaa sheegay dagaalka ka dhacay Buulo-xaawo in ciidanka ay ugu suura gashay in ay la wareegaan deegaankaasi iyo tuulooyin hoostaga.

Ciidamada oo aanan la kulmin dagaal sidaa u weyn ayuu sheegay taliye ku xigeenka inay qabsadeen deegaankaasi, kadib markii Al-shabaabkii halkaasi joogay ay isaga carareen.

“Saakay ayaan la wareegnay deegaanka Buulo xaawo wax iska caabin ah oo saas u weyn ma aanan la kulmin waxay awoodi waayeen in ay u babac dhigaan ciidanka koofur galbeed iyo Ciidama xooga dalka Soomaaliya oo ah ciidan diyaarsan,aan ku tilmaami karo in ay yihiin sooma jeestayaal”sdiaas waxaa yiri taliye Maxamed Isaaq.

Taliyaha ayaa ku hanjabay inuu sii socon doono howlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab inta deeganada Koonfur Galbeed laga xoreynaayo maleeshiyaadka  firxadka ah ee Al-Shabaab.

Wariye Abdinasir Musharraf Oo Kamid Wariyaasha Idaacad Dowlada Konfur Galbeed Ayaa War Kooban Kadiyaariyey Hawlgalada

 

 

HALKAN KA DHAGEYSO WARKA HAWGALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here