DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlaya xiritaanka Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab

0
98

Madaxda dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay ka wada hadlaan xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu waa inuu kala hadlo madaxweynaha Kenya arimaha ku aadan xiritaanka xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daauud Aweys ayaa warbaahinta u sheegay in madxweynaha Soomaaliya uu dhigiisa Kenya kala hadli doono xiritaanka Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

madaxweynaha Soomaaliya iyo madax ka tirsan dowladda Kenya ayaa shalay booqday Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya .

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu noqonayaa Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee booqda Dhadhaab muddadii ay xeradaasi jirta

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here