Dhageyso:- Dowladda KGS Oo Sheegtay Inay Furi Doonto Wadada Isku Xirta Baydhabo Iyo Muqdisho.

0
77

Baydhabo (RKGS) Xasan Xuseen Maxamed Eelay Waziirka Wazaaradda Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowladda Koonfur Galbeed Ah Gudoomiyaha Gudigga Amniga Ee Dhowaan Uu Soo Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Oo Maanta Marti Ku Ahaa Barnaamijka Dooda Jimcaha Ee Raadiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Ka Waramay Amaanka Guud Iyo Sidoo Kale Howl-galada Ay Wadaan Ciidamada Booliiska Gaarka Koonfur Galbeed.

Waziir Xasan Eelay Oo Barnaamijkan Dooda Jimcaha Ay Dhegaystayaasha Ku Weydiinayeen Su,aalo Dhowr Ah Kuna Saabsan Amaanka Deegaanadan Koonfur Galbeed Ayaa Waxaa Wax Laga Weydiyay Waxyaabaha Dowladda Koonfur Galbeed Uga Qorshaysan Furidda Wadada Dheer Ee Xiriirisa Baydhabo Iyo Magaalada Muqdisho, Wuxuuna Ku Jawaabay.

Sido Kale Waziirka Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar Ahaan Kuwa Koonfur Galbeed Ee Ay Marin Habaabiyeen Maleeshiyada Alshabaab Ugu Baaqay Inay Isku Soo Dhiibaan Dowladda Ayna Kamid Noqdaan Bulshada Ku Dhaqan Deegaanadan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here