Dhageyso:- Dowladda Koonfur Galbeed oo Ka Hadashey Dhibaatooyinka Koxda Maleeshiyaadka Alshabaab ay Ku Dhibaateeyaan Shacabka Deegaanada Koonfur Galbeed

0
104

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Konfur Galbeed Ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Ka Hadley Dhibaatooyinka Koxda Maleeshiyaadka Alshabaab ay Ku Dhibaateeyaan Intabadan Shacabka Kunool Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Gaar ahaa Shacabka Kunool Deegmooyinka Gobalka Shabeelaha hoose oo Intabadan Maleshiyaadkaasi ay Ku Baadaan Shacabka Waxaana Dhibaatooyinkaasi Kamid ah Xiritaanka Wadooyinka oo aan Lahayn Meel Loo Marsiiyo Mucaawanidii Loogu Talagaley Dadka Abaartu ay saameysey ee Kunool Degmooyinka Kooonfur Galbeed Soomaaliya

Iyadoo Intaasi oo Dhibaato ah ay Koxda Maleyshiyaadka Alshabaab ay Ku Hayaan Shacabka ayaa Hadana waxaa Shacabka ay yihiin Kuwo udiidey Maleshiyaadku inay Marna Dhulkoodi ay Ugu Talayaan Maadaama ay yihiin Codowga Soomaaliyeed oo Caadiyeeystey Daadinta Dhiiga Umada iyo Burburinta Karaamada Shacabka Soomaaliyeed iyadoona Shacabka ay la Kaashanayaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxaa uuna  Si aad ah uga Hadley Sida ay ula Dagaalamayaa Cadowga Soomaaliyeed Isagoona Kusimaha  Madaxweynaha Si Weyn uga Hadley Sida Shacabka Kunool Degmooyinka Afqooye qoryooley nambar 50 oo Dhamaantood Kamid ah Degmooyinka Gobalka  Shabeelaha hoose ay Marwaliba Iskaga Difacaan Weerarka Maleyshiyadka Alshaab ay Ku Waxyeelayaan Shacabka

Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed ayaa ah Intabadan Kuwo aan  Jeceyl Koxda Maleyshiyaadka Alshabab oo Intabadan Shacabka ay ugu barteen Inay yihiin Kooxo Baada Shacabka Soomaaliyeed Maadaama ay Fahameen, Shacabkana Waxaa Ugu Baaqey Kusimaha Madaxweynaha Inay Shacabka Iska Xureeyaan Koxdaasi oo ay qaateen Hubkoodi Kana saaraan Deegaanada ay ku dhuumaaleystaan

Dowladda Soomaaliya ayaa wada Qorshe Dib loogu Saaraayo laguna Ciribtiraayo Koxda Cadowga Soomaaliyeed ee Alshabab Waxaan Haatan Socda Gulufkii ugu Dambeeyey ee Ciidamda Xooga Dalka iyo Kuwa AMISOM ay ugu Diyaar Garoobayaan Sidii Alshabab Loogu Curibtiri lahaa, Shacabka Soomaaliyeed ayaana loogu Fadhiyaa Inay Garab Siiyaan Ciidamada Xooga Dalka Maadaa Loosoo Jeedsadey Ciribtirka iyo Baabinta Koxdaa Maleyshiyaadka Alshabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here