DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay waqtiga kooban ee ka haray doorashada

0
101

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo Wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa ka warbixiyay doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan sanadkaan iyo waqtiga kooban ee u haray Dowlada.

Ra’iisul Wassaaraha ayaa sheegay in Dowlada ay u diyaar garoowday isla markaana ay diyaarisay Guddiyadii qaban lahaa Howlaha doorashooyinka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Ra’iisul Wasaaraha in ay ka fakireen sugida amniga goobaha lagu qabanaya doorashooyinka.

Wixii ka dambeeya 20 Bisha soo socota ee Agoosto ayaa lagu wadaa in doorashooyinka ay ka dhacaan dalka, Waxaana Madaxda sare ee dalka ay sheegeen in ay u diyaar garoobeen howlaha doorashada la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here