DHAGEYSO:- Faah Faahino Kasoo Baxaya Tiro Madaafiic ah oo lagu garaacay Degmada Shangaani

0
85

Wararka inaga soo gaaraya degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Tiro madaafiic ah lagu soo tuuray Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ku taala agagaarka xarunta degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gobolka Banadir Abdifatah Xalane Ayaa RadioKGS  u sheegay in Madaafiicda ay ahaayeen dhowr xabo oo ilaa iyo hada aan la garaneyn halka laga soo tuuray.

Waxay sidoo kale sheegeen in Madaafiicda qaar ay ku soo dhaceen xaafadaha degmada Shangaani oo u dhow Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Wariyaha Idaacada Dowlada Konfur Galbeed Gobolka Banadir Yuusuf Saxfi Yare Ayaana Qadka Telephone Ka Kula Xiriirey

Sidan Ayuuna Usheegey:

 

HALKAN        KADHAGEYSO

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda lagu soo tuuray xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Wixii Faafaahinta Kalasoco Www.Radiokonfurgalbeed.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here