Dhageyso:- Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Baay Oo Ka Warbixisay Shirkii Ay Uga Qeyb Gashay Muqdisho.

0
76

Muqdisho (RKGS) Gudoomiyha Ururka Haweenka Gobalka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Madeer Oo Wareysi Siisay Raadiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyado Howlo Shaqo U Joogto Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa Ay Ka Warbixisay Waxyaabihii U Qabsoomay Mudadii Ay Joogtay Muqdisho.

Marwo Maraayo Ayaa Sidoo Kale Waxaa Ay Sheegtay In Magaalada Muqdisho Ay Kaga Qeyb Gashay Shirar Ay Kasoo Qeyb Galeen Haweenka Gobalada Dalkeena Soomaaliya Kaa Oo Looga Aransanaayay Awood Qeybsiga Haweenka Soomaaliyeed Ay Ku Leeyihiin Siyaasadda Dalka.

Iyadoona Ay Sheegtay In Qoondada Haweenka Ee Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Ay Ka Heleen 30% Sido Kalena Ay sheegtay inay Muhiim Tahay In Dowladda Soomaaliya Ay Ka Helaan,Tiro Intaa La,eg Si Taas Loo Gaaro Ayaa Waxay In Haweenka Koonfur Galbeed Iyo Guud Ahaan Haweenka Soomaaliyeed Looga Baahanyahay Inay Dadaalkooda Sii Labo Laabaan Maadama Lagu Jiro Xiligii Kala Guurka.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here