dhageyso:-Hay’adda Culimada oo ku baaqday in laga hortago Qaraxyada

0
109

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku baaqay in la sameeyo qorsho cusub oo looga hortagayo qaraxyada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo  dowladda Soomaaliya in ay qaadaan tilaabooyin looga hortagayo Qaraxyada.

Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in la iska dhaafo khilaafaadka kale  ee ku aadan dhanka Dowladda Soomaaliya ,islamarkaana laga shiro sidii  loo badbaadin lahaa nafta umada Soomaaliyeed.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale xustay in ay tahay wax laga xumaado in Qaraxyo maalin walba ay ku dhintaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXIN 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here