Dhageyso:-In Kabadan Shan Iyo Tobon Qof Ayaa Ku Geeriyootey Tiro Intaasi Kabadana Waxaa Ay U Jifaan Xaruumaha Caafimaadka Ee Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay.

0
105

In Kabadan Shan Iyo Tobon Qof Ayaa Ku Geeriyootey Tiro Intaasi Kabadana Waxaa Ay U Jifaan Xaruumaha Caafimaadka Ee Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay.
Tiridaasi Dadka Ah Ayaa Waxaa Ay U Geeriyoodey Cudurka Shuban Biyoodka Kadib Markii Uu Ka Bilowdey Degmada Berdaale Iyo Degaanada Kale Ee Ay Hoostagaan.
Tirada Dhimashada Badan ee Dadkaasi Ayaa Waxaa Intooda Badan Laga Keeney Degaanada Katirsan Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay Iyadoo Dadka Lasoo Gaarsiyey Magalada Berdaale Laga Soo Aruuriyey Geedaha Hoos Tooda Kadib Markii Lawaayey Meel Lagu Karan Tiilo Dadka Cudurka Ku Dhacey Iyo Kuwa Kale Ee Reerkooda ah.
Iyadoo Taasi Ay Jirto Ayaa Waxaa Gurmad Daawo ah Gaarsiisey Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay Wasaarada Caafimaaka Dowlada Gobleedka Koonfur Galbeed Somaliya Si Wax Loogu qabto Dadka Ku Dhibaateysan Halkaasi.
Wasiirka Caafimaadka’Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka DKGS Isaaq maxamuud mursal Iyo Masuulin Kale Oo Katirsan Kg Ayaa Waxaa Ay Gareen Degmadaasi kadib Waxaa Ay Kormeer Ku Soo Sameyeen Magalada Berdaale Iyo Degaanada Kale Ee Ka Qarxadey Cudurka Shuban Biyoodka.
Kormeerka Kadib ’Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka DKGS Isaaq maxamuud mursal Ayaa Lahadley Idaacada DKGS Oo Wariyaasheeda Lasocodey Safarkooda Waxaa Uu Kahadley Waxyaabaha Ay Gaarsiyeen Iyo Xaalada Dadka Ku Dhacey Shubanka Sida ay Yihiin.
Qaar Kamid ah Dadka Haleeley Cudurka Shuban Biyoodka Oo Aanan Awuudin In Ay Hadlaan Balse Jecel In ay Kahadlaan Xaaladooda iyo Baahidooda Ayaa Idaacada Kg u Sahashey Iney Kahadlaan Xaladooda Baaqna U Direy DKGS.

Maamulka Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay Ayaa Kahadley Xaaladaha Ay Ku Nool Yihiin Dadka Ku Nool Degmada Berdaale Iyo Deganadeeda.Waxeyna Shegeen Iney U Baahan Yihiin Xaruumooyin Cafimaad Oo Lagu Dabiibo Dadka Ku dhacey Cudurka Shuban Biyoodka.
Dhanka Kale Waxa Ay Baaq U Direen Dowlada Cusub Ee Faderaalka Somaliya Iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Iney Si Deg Deg Ah Ay Ugu Soo Gurmadaan Dadka Xaalad Xumada Ku Heysata Degmada Berdaale Iyo Degaanada Kale ee Hoos Tagaan.

W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here