DHAGEYSO: Kulan looga hadlaayay amniga oo Muqdisho ka dhacay

0
82

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kulan looga hadlaayay suggitaanka ammaanka caasimada oo ay kasoo qeyb galeen gudoomiyeyaasha 17 degmo ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Kulan deg deg ah waxa uu maanta la yeeshay dhammaan gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay amaanka guud ee degmooyinka iyo sidii loogu hortagi lahaa Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka intii uu socday si adag loogu hadlay sugida amniga Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here