DHAGEYSO:- Maamulka Deg Shibis Oo kahadley dil loogeystey Gudoomi waaxeed Katirsanaa Degmada

0
115

Maamulka Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Dil Degmadaasi loogu Geystay Guddoomiye Waaxeed ka tirsaneyd Maamulka Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Degmada iyo Ciidamada Ammaanka ay wadaan Baaritaano lagu raadinayo Kooxdii ka dambeysay Dilka Guddoomiye Waaxeedka ka tirsaneyd Maamulka Degmadaasi oo Shalay Galinkii dambe lagu dilay Gudaha Degmada.

Guddoomiye Axmed Muumin ayaa intaa ku daray in Sharciga la horkeeni doono Kooxdii Dishay Allaha u naxariistee Saynab Muxiyadiin oo kamid ahayd gudoomiye waaxeedyada degmada shibis.

 

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here