Dhageyso:-Maamulka Degmada Baraawe Ee Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Amaan Degmadaasi.

0
88

Baraawe (RKGS) Gudoomiyaha Cusub Ee Maamulka Degmada Baraawe Ee Gobalka Shabeelaha Hoose adaan cumar madoowe Oo La Hadlay Raadiyaha Dowaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Ka Warbixiyay Xaaladda Guud Ee Degmadaasi Oo Ay Kamid Tahay Amaanka Xili dhowaan Halkaasi Uu Gaarey Wafdi Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye Aadan Madoowe Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Amaanka Degmada Baraawe Haatan Ay Tahay Mid Wanaagsan Asagoona Sido Kale Ka Waramay Booqashadii Gudoomiyaha Gobalka Ee Uu Kusoo Maray Fariisamihii Hore Ciidamada Dowladda Soomaaliya Ay Ku Lahaayeen Duleedyada Degmada Baraawe Oo Caasimad U Ah Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Cusub Maamulka Degamadaasi Ayaa Waxaa Uu Sheegay Booqashada Gudoomiyaha Inay Qotantay Xilwareejin Ku Aadanayd Maamulkii Hore Iyo Kan Cusub Ee Asaga Loo Magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here