DHAGEYSO:-Maamulka Degmada Qansaxdheere Oo Sheegey In Dagaal Ka Dhan Ah Al Shabaab Qaali Doonaan

0
106

Wararka inaga soo gaaraya degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ku nool degmadaasi ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah, kadib markii Shabaab degmadaasi ay saareen Go’doon.

Guddomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Isaaq Cabdi Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi ay hada soo wajahday xaalada dhanka nolosha ah, isagoo intaa ku daray in dadkaasi aysan heysan Hooy, Biyo, Caafimaad Waxbarasho iyo waxyaabo kale.

Dhinaca kale Guddomiyaha degmada Qansax-dheere ayaa sheegay in hada ay diyaarinayaan Guluf colaadeed oo ku aadan sidii Al-shabaab weerar loogu qaadi lahaa, degmadana Go’doonka looga saari lahaa.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Qansax-dheere ayaa Maamulka Koonfur Galbeeed, dowladda federaalka iyo Hay’adaha gar gaarka ka dalbaday in ay gar gaar soo gaarsiiyaan.

Dadka ku nool degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa ku sugan xaalad khatar ah, taasi oo looga baahan yahay dhamaan Soomaalida in ay u gurmadaan sidii dadkaas loo gacan siin lahaa.

HALKAAN KA DHAGEYSO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here