DHAGEYSO: MAAMULKA DEGMADA TAYEEGLOW EE GOBALKA BAKOOL OO KA WARBIXYEY XAALADDA DEGMADAASI

0
94

Baydhabo (RKGS) Gudoomiyaha degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay xaalada Degmada tayeeglow oo ay wali gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.

Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade ayaa sheegay in dad badan oo kasoo barakacay degmada ay soo gaareen Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool , halkaasina ay ku haysato dhibaatooyin adag oo dhanka Nolasha ah.

Waxaa uu sheegay in 800 boqol oo qoys ay hadda ku sugan yihiin Xudur , islamarkaana Al-Shabaab ay dhibaato ku haayaan dadkii ku haray degmada Tayeeglow.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay in uu ku taageero sidii ciidanka dowladda Soomaaliya ay dib ugu qabsan lahaayeen degmada Tayeeglow.

Isagoona Sidoo kale Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya ka Dalbadey in Dadkaasi Degaanadooda sidii loogu celin lahaa lagu dadaalo si Alshabaab halkaasi looga saaro oo dadkana nabad ku noolaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here