DHAGEYSO:- Maxkamadda Ciidanka Oo dil ku xukuntey askerigii geystey dilka Wasiirkii Hawlaha Guud Cabbaas Siraaji

0
89

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta mar kale la horkeeney labadii askeri ee ku eedeysnaa dilka Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabbaas Cabdullaahi Siraaji oo bilowgii bishii May lagu diley Madaxtooyada horteeda, kadib markii ay rasaas ku fureen ilaalada hantidhawrkii xilka laga qaadey.

Sida ay sheegeen baartitaanadu, wasiirka waxaa ku dhacdey hal xabbo oo keliya taas oo uga dhacdey wejiga, waxaana kiiskan awood lagu  saarey in la helo askerigii xabbadda wejiga uga dhuftey Wasiir Cabbaas Siraaji.

 

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad Gashaanle Xasan Cali Nuur  ayaa ku dhawaaqay xukunka labada eedeysane ,  Dable Ciidanka Xooga Dalka Axmed Cabdullahi Ceydiid  ayaa lagu helay in uu ahaa askeriga  xabbadda ku dhuftey, waxaana lagu xukumey dil toogasho ah. Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre ayaa maxkamadda xukuntay in lasii daayo.

 

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA MAXAKAMADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here