Dhageyso: MS Farmaaojo oo Agoonta Ka Farxiyey :acagna U qeybiyey

0
128

Moqadisho-RKGS:.Madaxweynaha Dowladd Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lacag ku dhow $20,000 (Labaatan kun oo dollar) deeq ahaan u gaarsiiyay carruurta Agoonta ee ku jirta Xerada Agoonta ee degmada Afgooye, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Lacagtan ayaa la gaarsiiyay 170 carruur oo ku jiray Xerada Agoonta ee degmada Afgooye.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed u wakiishay gaarsiinta deeqdan lacageed oo ah tii u horeysay ee Madaxweynuhu xaqul ciid ahaan u gaarsiiyo carruurta agoonta ah ee ku jirta Xeradaasi

Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu wakiil yahay, isla markaana lacagta loogu soo dhiibay illaa 170 carruur.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka faallo qaadeyso Caruurta isla markaana noloshooda ay si dhaw Madaxtooyada ula soconeyso.

Madaxweynaha Dowladd Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladda ay si joogta ah ula soconeyso Xaalada Caruurta agoonta ah ee ku jira Xerada Agoonta ee degmada Afgooye, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Lacagtaan ayaa noqoneyso lacagtii ugu horeysay oo uu Madaxweynaha gaarsiiyo Caruurta Agoonta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here