DHAGEYSO: Puntland oo ka digtay Qaraxyo ka dhaca Gaalkacyo

0
80

 Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ammaan ee magaalada Gaalkacyo, kadib heshiis dhexmaray maamulada Puntland iyo Galmudug.

Heshiiska labada dhinac dhexmaray ayaa saldhig u ahaa xal u helida xaalada ammaan magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay Taliyaha in laamaha kala duwan ee amniga Puntland ay ka war heleen in uu soconayo abaabul la qorsheynayo in Qaraxyo looga geysto magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo uu gu yeeray sharwadayaal.

Sidoo kale shacabka magaalada Gaalkacyo ayuu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee magaalada Gaalkacyo, si loo fashiliyo weeraradaas ay suurtagalka tahay in laga geysto Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here