DHAGEYSO: RW Dalka Oo Kulan Laqaatey Taliyeyaasha Ciidamada.

0
141

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay xarunta Gaadiidka Booliska oo ku taalla degmada C/casiis.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Wasiirka Cadaaladda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Eng. Yariisow), Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda iyo saraakiil kale oo Ciidan.

Kulankan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Shabaab maalin cad ay weerar ku soo qaadeen meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wax la isaga weydiiyay sababta ka dambeysay rag Shabaab ka tirsan in ay weerar ku fuliyaan dareeska Ciidanka iyo arrimo kale.

Khayre oo kulanka soo xiray ayaa Ciidamada ka dalbaday in ay ka feegijnaadaan isku dhac dhxedooda ah, taasi bedelkeedana hubka ay wataan looga baahan yahay in ay ku difaacaan shacabka, si shacabka ay u helaan hurdo aan laheyn cabsi.

Wuxuu sheegay Khayre shir amni oo uu shalay la yeeshay Wasiirada iyo Taliyeyaasha in ay ugu balameen sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha amniga, wixii maanta ka dambeeyana Muqdisho ay ka bilaabanayaan Howlgallo culus.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday Taliyeyaasha iyo Ciidamadooda in ay ka shaqeeyaan dardar gelinta amniga, iyada oo Xukuumadddu ay diyaar u tahay in ay garab taagnaato Ciidamada,

Xoogag ka tirsanaa Shabaab oo Dowladdu ay tiradooda ku sheegtay Shan nin ayaa weerar Qaraxyo watay oo Jimcihii ina dhaaftay ay ku soo qaadeen meel ku dhow Madaxtooyada iyo Hotelka Dorbin waxa ay ku dileen in ka badan 20 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here