DHAGEYSO: RW Kheyre oo Shacabka u Baaqey

0
106

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed ay xabad, Miino iyo Qaraxyo ay laayeen taasina ay tahay wax laga xumaado.

Waxaa uu sheegay in uu dhibaatada la qeybsanaayo dadka Soomaaliyeed ee maalinba maalinta ka dambeysa Qaraxyadda ay dhibaatadu kasoo gaarayso.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Umadda Soomaaliyeed laga doonaayo in ay hubka iska dhigaan.

Waxaa uu xusay in dhibaatada ugu badan ee heysata Bulshada Soomaaliyeed ay tahay hubka ay wataan oo ay isku dilayaan.

Hadalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,waxaa uu kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya Muqdisho ay ka waday hub ka dhigis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here