DHAGEYSO:-Taliska Ciidanka Booliiska Degmada Baydhabo Oo sheegey In Wax Bajaaj Ah Aanan Magaalada La soo Galin Doonin

0
87

Taliska Ciidanka Booliiska degmada Baydhabo Oo sheegey In Wax Bajaaj Ah Aanan Magaalada La soo Galin doonin

Taliyaha Ciidanka Booliiska  saldhiga degmada Baydhabo Muqtaar Ahmed Ibraahim  OO  soo Booqdey Xarunta Idaacada Dowlada Koonfur Galbeed soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Baaq U Direy Ganacsatada Keenta Mootooyinka Bajaajka baydhabo

Iyadoo Laga Duulayo Kulankii U danbeeyey ee Gudiga Amaanka Degmada Baydhaabo Ay Yeesheen 5tii Bishaan Oo Ahaa In  Bajaaj Cusub Aan La Keeni Karin degmada Baydhabo Kuwii Horena Loo Kala saaro Gruopyada A Iyo B Ayuu Sheegey Taliye  Muqtaar Ahmed Ibraahim   In Talaabo Laga Qaadi Doono Ganacsadihii Keena Ama Magaalada Soo Galiya Bajaaj Cusub

Dhanka Kale Muqtaar Ahmed Ibraahim Taliyaha Ciidanka Booliiska  saldhiga degmada Baydhabo Ayaa Waxaa Uu Baaq Kaa La Mid Ah Uu U Direy Daraawalada Ka Heeya Gaadidka Waaweyn Ee Iyagana Ka soo Qaada Magaalooyinka Kale Isla Markaana soo Galiya Magaalada baydhabo

Ku dhawaad Ilaa IYo 700 Oo Mooto Bajaaj Ah Ayaa Ka Howgala Magaalada baydhabo Waxaana Dhawaan Gudiga Nabadgalyada Iyo Maamulka degmada Baydhabo Ay u kala saaraan labo Group OO Koxba Maalin Si Ay U shaqeysato Mashquulka Wadooyinana Ay u Yaraadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here