Dhageyso:-War deg deg ah Wararkii ugu dambeeyey weerarkii Hotel Ambasador & Al-shabaab oo sheegatay

0
68

Xiisad ayaa caawa ka taagan hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho oo galabta casar liiqii lagu qaaday weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo masuuliyadiisa ay sheegatay Al-Shabaab.

Hotelka oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarama meel ku dhow isgoyska Km-4 ayaa waxaa inta badan isticmaala xildhibaano, siyaasiyiin iyo dad kale oo shacab ah wuxuuna ka tirsan yahay hotelada magaalada ugu shidan.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan balse illaa hadda tirakoob sax ah lagama hayo, masuuliyiinta iyo saraakiisha amaanka dowladana weli kama hadlin.

Saddex nin oo hubeysan ayaa la sheegay iney qaraxa ismiidaaminta ah ka dib weerar toos ah ku qaadeen hotelka waxaa mid ka mid ah oo la toogtay meydkiisa la soo sheegayaa inuu yaalo albaabka laga galo hotelka, iyadoo labadii kale ay u suuragashay gudaha iney galaan.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa hadda ku jira gudaha hotelka, iyagoo wada baaritaano ay ku xaqiijanayaan amaanka, mana cadda weli in ragga gudaha galay la dilay iyo in kale inkastoo rasaas iyo qarax kale goor dhow laga maqlay.

Waxaa xiran wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhexeysa isgoyska Km4 iyo Ex-gurigii hore ee shaqaalaha, sidoo kale waxaa albaabada loo laabay goobihii ganacsiga ee ku dhowaa hotelka Ambasador.

Weerarkan ayaa u muuqda mid loogu aargudayo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo xalay lagu dilay weerar ciidamo isugu Soomaali iyo Maraykan ka fuliyeen degaanka Buulo Guduud, waxaana ragga la dilay ku jiray Shiikh Maxamed Dulyadeyn oo meydkiisa Kismaayo lagu soo bandhigay, waxaana uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon kooxdan, iyadoo madaxiisana horey lacago loo dul dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here