Dhageyso Wareysi: Musharraxii ugu Codadka badnaa Xubnihii Aqalka Sare oo helay 91-cod

0
106

Musharrxii ugu Codka badnaa Xubnihii Aqalka Sare ee dhawaan lasoo doortay ayaa noqday Ilyaas Xasan Cali oo lagu doortay 91-cod, waxaana uu doorashadiisii uga warramay Warbaahinta.

Haddaba, Ilyaas Xasan Cali oo laga soo doortay Dowlada Koonfur-galbeed ee Somalia, wuxuuna ahaa xubintii labaad oo Aqalka Sare ee Soomaaliya ku meteli doona  Dowlada Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, Ilyaas Xasan Cali ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u noqdo hoggaan xubnihii Aqalka Sare ee laga soo Doortay Maamullaad Somalia ka jira oo dhan, isagoo ka hadlay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somalia doorka Haweenku ay ku leeyihiin iyo doorashada Somalia ka dhici doona sannadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Mudane Ilyaas ayaa sheegay in Xubnaha Aqalka Sare ay siyaasad ahaan ku meteli doonaan maamullada soo doortay ee ay ka yimaadeen, halka Aqalka Hoosa-na uu si gaar ah u meteli doono shacabka Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here