DHAGEYSO: Wasaarada Warfaafinta K/Galbeed oo Faafaahisey waxqabadkeeda iyo Dhismaha Xaruunta cusub.

0
88

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada dowladda koonfur galbeed soomaaliya  mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu faafaahin ka bixiyay waxqabadka wasaaradda mudadii ay jirtay iyo waxyaabihii u qabsoomey.

Wasiir Ugaas Xasan ayaa sheegay in wasaaradda mudadii ay jirtay ay gaartay guulo badan oo ay kamid tahay dhismaha xarunta wasaaradda warfaafinta iyo raadiyaha koonfur galbeed soomaaliya.

Asagoo hadalkiisa wata wasiirka ayaa sheegay in qorshaha wasaaradda uu yahay in waqti dhow dib u balaarin lagu sameyn doono baahinta warbaahineed ee radio koonfur galbeed, asagoona sheegay in la gaarsiin doono guud ahaan deegaanada koonfur galbeed iyo sido kale magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd kadib markii wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayay kormeer shaqo ay ku tageen qaar kamid ah deegaanada koonfur galbeed iyo sidoo kale magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu wado in la gaarsiiyo baahinta warbaahineed radio koonfur galbeed.

Halkaan ka dhageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here