Dhageyso : Wasaaradaha Waxbarashadda Koonfur Galbeed iyo Puntland Oo Garowe Heshiis Ku Kala Saxiiday

0
96

Wasiirka wasarada waxbarashada iyo barbaarinta Dowlada Koonfur Galbeed iyo ku xigeenka wasaradaasi oo maalmihii u danbeeyay Garowe ku sugnaa ayaa maanta kormeer ku tagay Jaamacada kuliyada tobabarada macalimiinta Puntland ee GTEC Iyo jaamacada bariga Africa .

Kormeerka masuuliyiinta ayaa ahaa siday wax uga ogaan lahaayeen qaabka ay u shaqeeyan goobaha waxbarasho eeku yaala Puntland waxaana socdaalka wasiirada waxbarashada Koonfur Galbeed  Soomaaliya ku weheliyay wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland iyo xiriiriyaha waxbarashad wasaarada waxbarashada Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada ka jira gudaha dalka.

Wafdiga ka socday Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Jaamacadaha ay booqdeen waxa ay madaxdooda ka wareysteen qaabka ay u shaqeeyaan waxayna wasiirada waxbarashada koonfur galbeed ka codsadeen madaxada wjaamacadaha ay booqdeen inay xiriir la sameeyaan jaamacada ku yaala Koonfur galbeed Soomaaliya.

Marka uu soo dhamaaday kormeerka ay ku tageen jaamacadaha wafdiga ka socday puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay ku soo noqdeen xafiiska wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland waxayna xarunta awasarada ku kala saxiixdee heshiis ku aadan siday u wada shaqeyn lahaayeen wasarada waxbarashada puntland iyo wasarada waxbarashada koonfur galbeed.

Xiriiriyaha dhinaca waxbarashada wasarada waxbarashad soomaliya iyo maamul gobaleedyada ka jira dalka cabdi faarax siciid ( juxaa ) ayaa sheegay in heshiiskaan aqoon korarsiga ah ee ay wada sixiixdeen wasaarada waxbarashad puntland iyo wasarad waxbarshada soomaliya yahay midkii ugu horeeyay oo ay waada saxiixdeen waxaana uu sheegay in heshiiskaan kii ka horeeyay ay wasarada waxbarshada puntland la saxiixatay madax ka socotay waasarada waxbarashada jubaland.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo barbaarintakoonfur galbeed soomaliya Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in heshiis waxbarasho ay la galaan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland waxana uu intaasi ku daray in wasaarada uu madaxda ka yahay u istaagi doonto sida uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaasi.

Wasiirka wasarada waxbarashad iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Abshir Aw-yuusuf ciise Waxa uu madaxada wasaarada waxbarashad koonfur galbeed uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen puntland waxna uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inay heshiis ku aadan sidii la iskaga kaashan lahaa hormarinta waxabarashada Puntland iyo Koonfur Galbeed la galaan madax ka socotay wasaarada waxbarashada koonfur galbeed waxaan auu wasiirku intaasi ku adaray inay diyaar u yihiin inay heshiis waxbarasho lagaaraan dhamaan maaamul gobaleedyada ka jira somaliya.

Wafdigaan ka socda wasarada waxbarashad iyo barbaarinta koonfur galbeed ayaa magaalada garowe ee caasumada dowlada puntland ku sugan sadexdii maalmood ee la soo dhaafay iyagoona inta ay garowe ku suganyihiin kulamo la qaadan doonay ganacsatada ku sugan magaalada garowe ee ka soojeeda gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Warbixin 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here