DHAGEYSO: Waxgaradka Mudug oo ka hadlay heshiiska Puntland iyo Galmudug

0
81

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee dhanka Waqooyi ayaa waxa ay dhaliileen heshiiska maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku gaareen magaalada Gaalkacyo.

Waxa ay sheegeen magaalada Gaalkacyo labadii sano ee ugu damebysay in ay ka dhaceen Dagaalo, kuwaasi oo sababay in magaalada ay kala xiranto.

Sidoo kale Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen muhiim in ay tahay in labada maamul la is hor fariisiyo, si heshiiska uu u noqdo mid dhaxal gal ah, waxayna tilmaameen heshiiska in ay ku lug leeyihiin Hay’ado shisheeye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa magaalada Gaalkacyo u tagay dhaqangelinta heshiiska ay gaareen labada maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here