DHAGEYSO:-Wazaarada Waxbarashada Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ka Hadashey tayada Waxbarashada deegaanada Koonfur Galbeed

0
117

Si  Kor Loogu Qaado Tayada Waxbarashada  Loona Mideeyo  Manhajyada Waxbarashada Ardey Aqoon Lehna Uu U Soo Baxyo Ayaa Wazaarada Waxbarashada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaa Ay Sheegey In La Mideyn Doono Manhajyada Waxbarasho Ee Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Waziir Ku Xigeenka  Wazaarada Waxbarashada dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil Mohamed Adam Oo Idaacada Koonfur Galbeed Soomaaliya La Hadlay ayaa Sheegey  In Imtixaankii La Qaadey ay Ku Jireen Waxbadan Oo Manhajyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Aysan Ku Yaalin Si Taasi Looga Hortago ayuu sheegey In La Mideyn Doono Dhamaan Manhajyada Waxbarashada Koonfurgalbeed Soomaaliya

Jibriil Mohamed Adan Waziir Ku Xigeenka  Wazaarada Waxbarashada dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Dhanka Kale Sheegey In Ay Kormeeri Doonaan Dhamaan Iskuulada Ku Yaala Deegaanada Koonfur galbeed Soomaaliya Si Loo Hubiyo Aqoonta Ardeyga Iyo Tayada Iskuulka

Wuxuu keloo Sheegey Waziir Ku Xigeenka In Laga Hortagi Doono Ardeyda Qaar Oo Iskuulada Si Fasax La,aan  Isaga Baxa Isla Markaana Fasal Ka Sareeya Kii Ay Ka Baxeen Iskuul Kale Ka Fadhiista

Waziir Ku Xigeenka  Wazaarada Waxbarashada dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Hadalkaan Ka Sheegey Kulan Lagu Soo Gabagabeynayey Aqoon Kororsi Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Wazaarada Waxbarashada baydhabo Loogu Qabtey

HALKAAN KA DHAGEYSO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here