Dhageyso:Degmada Buur-Hakaba Oo Lagu Qabtey Ciyaaro Isdhaxgal Bulsho Loogu Talagaley

0
201

Maamulka Degmada Buur-Hakaba Gobolka Baay Maamulka Dowlag Goboleeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Degmadaasi Ka Dah-Furey Kulan Isboortis Oo Ay Wada Ciyaari Donaan Dhamaan Koxaha Kubada Cagta Ee Ka Dhisan Degmada Buur Kaasi Oo In Mudo Ah Oo Socon Doono.

Gudoomiye-kuxigeenka Isbortiska Degmada Buur-Hakaba Cabdiraxmaan Aweys Axmed Oo Lahadlaayey Idaacada Kg Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Kulankaani Looga Tala Galey Sidii Lagu Dhiira Galinlaha Ciyaartoyda Iyo Dhalinyarada Kale Ee Ku Nool Buur-Hakaba Isagoo Sheegey In Horyaalkaan Ay Isku Arki Donaan Dhamaan Kooxaha Heerka Hoose Iyo Kuwa Sare.

Horyaalkaan Ayaa Waxaa U Noqonayaa Midkii Ugu Horeeyey Ee  Maamul Soo Mara Degmada Buur-Hakaba OO Uu Furo Isagoo Horyaalkaan Uu Furey Gudoomiyaha Cusub Degmada Buur Maxamed Ibraahin Nuur.

W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here