Dhageyso:Howlga Lagu Diley Maleeshiyaad Ka Tirsan Al Shabaab Tulooyin Ay Hoos Tagaan Degmada Berdaale

0
255

Howlgalo Si Wada Jir Ah Ay Ugu Sameyeen Tulooyinka Ay Hoos Tagaan Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Iyo Ciidanka Booliska Gaarka Ah Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Waxaa Ay Ku Dileen Intii Howgaladaasi Ay Ka Sameynayeen Tolooyinkaasi Labo Askari Oo Katirsan Kooxda Maleeshiyada Al Shabaab Sida Uu Idaacada KG Uxaqiijiyey Gudoomiy-Kuxigeenka Amniga Iyo Siyaasada Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay Cali Cadow Isaaq.

Gudoomiyaha Ayaa Sheegey In Howlgaladaan Maalmahaani Ay Wadeen Balse Ay San Arki Ciidan Katirsan Al Shabaab Lakiin Maalintii Ugu Dambeysay ee Shalay Ay Isku Dhaceen Askar Al Shabaab Ka Tirsan Oo Ay Wadteen Moobo Laba Lugaaley Ah Iyagoo Kayimid Tuulo Ku Soo Dhoh Halka Howlgaladu Ay Kasocdeen Kadibna Halkaasi Lagu Diley Habkiina Laga Furtey.

Cali Cadow Gudoomiy-Kuxigeenka Amniga Iyo Siyaasada Degmada Berdaale Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Maamulka Degmada Berdaale Iyo Shacabka Ku Nool Si Aad Ay U Soo Dhaweynayaan Isku Shaan Dheynta Madaxweynaha Kh Shariif Xasan Uu Ku Sameyey Golahiisa Wasiirada Mudo Kadib Labo Sano Iyo Bar Baarlamaanka koonfur Galbeedna Ay Ka Sugayaan Iney Meel Mariyaan Oo Ay Ansixiyaan Si Ay U Wadtaan Shaqooyinkii Ay U Hayeen Shacabka Ku Nool gobolada Baay Bakool Iyo Sh/Hoose..

W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here