Dhageyso:Shariif Xasan “Waxaan Ka Shaqeyneynaa Hormarinta Iyo Dhaqaalaha

0
89

Baydhabo(RKG)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay isku xiran yihiin ammaanka iyo dhaqaalaha, sidaasi awgeedna koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso hormarka degaanadeeda.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Shariif Xasan si loo hormariyo degaanada Koonfur Galbeed, amnigana wax looga qabto in ay kala tashan doonaan, taageerana ay uga baahan yihiin Dowladda Federaalka, Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay hadii dhaqaale wanaagsan la helo in Ciidamada ay yeelan doonaan awood ay isaga difaacaan Shabaab oo degaanada Koonfur Galbeed ay kaga saaraan.

“Dhaqaalaha iyo amniga way isku xiran yihiin, waxaan rabnaa inaan ka shaqeyno ammaanka iyo dhaqaalaha, inaga oo la kaashaneyno Dowladda Federaalka, Caalamka iyo shacbka Soomaaliyeed”. Ayuu yir Shariif Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here