Dhageyso+Waryesi:Taliska Ciidanka Amisom Oo Balanqaaday In ay Isku Furi Doonan Wadada dheer Ee xariirisa Baydhabo Iyo Muqdisho

0
232

Taliyaha Guud ee Ciidamada Midowga Africa Amisom Ganeral Cusman Nuur Subagle Oo Wareysi Gaar ah Siinaayey Cidaacada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaa uu Ka Hadley Arimo Farabadan oo ay Kamidyihiin qorshaha Howlgalka Midowga Africa ee ah Iskufurka Wadooyinka Gobalada Dalka Soomaaliya ee uxirxiran Maleshiyaadka Cadowga Alshabaab.

Ciidamada Midowga Afrika Amisom ayaa Soomaaliya yimid 2007 Waxeyna Haatan Wadanka Soomaaliya ay Joogaan 10Sano iyagoona Intabadan Xooga Saarey Kasaarista Koxda Cadowga ah ee Maleshiyaadka Alshabaab Dhamaan Caasimadaha 10ka Gobal  Waxaa Kaloo Ciidinka Amisom Maleshiyaadku ay Kasaareen 40 Magaalo oo Kabaxsan Caasimadaha.

Ganeral Cismaan Nur Subagle Taliyaha Guud ee Midowga Africa ayaa Sheegey In Amisom ay usoo Mareen Marxalado Kala Duwan ee Kasaarista Dhulka Soomaliga Cadowga Alshabaab.

Howlgalka Midoega Africa Amisom ayaa Hada Isu Diyaarinayaa Howlgal ay Wadooyinka Soomaaliya Gaar Ahaan Wadada Dheer ee Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho isku Xirta ay Isku Furayaan Maruu Cumar Mustafaa oo Katirsan Cidacada KGS uu Weydiiyey Su’aal ahayd Amisom ayaa Marar Badan Codsiyo loo jeediyey ee Kusaabsan Iskufurka Wadooyinka.

Waxaa uuna Taliyaha Amisom Kahadley Waxqabadkiisa Mudada Kooban ee uu Xilkaan uu Hayo Wuxuuna Sheegey in Waxbadan oo ay Kamid Tahay Doorashooyinkii oo Ka qabsoomey Dhamaan Caasimadaha Maamul Gobaleedyada Soomaaliya,iyo Sidoo Kale Dhismaha Maamul Gobaleedyada Federaalka Kamid ah.

Ciidamada Amisom oo Kasocda Dowlada Farabadan oo ay Kamidyihiin Ethopia, Kenya, Jabuti,Uganda, Burundi ayaa Intabadan Naftoodi waxey usoo hureen Sidii Cadowga Alshabaab uga Saari lahaayen Guud ahaan Dhulka Soomaaliya Hatana Waxay Wadaan Dhamaan  Wadooyinka Magaalooyinka Dalka ee ugodoonsan Cadowga Sidi ufuri Lahayaan iyagoona Kaashanayaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here