Dhegeyso:- Afayeenka malaaqyada dowlada KGS oo ka tacsiyadeeyey dilkii xalay loogeystey Allaha unaxriistee Malaaq Maxamed Cali Xusen oo Muqdisho lagu dilay

0
80

Baydhabo (RKGS) Allah u naxriistee waxaa xaley Magaalada Muqdisho lagu diley Malaaq Maxamed  Cali Xuseen oo 70jir ahaa kana mid haa malaaqyadii deegaanada koonfur galbeed ka soo jeeda.

Waxaana malaaqa la diley isagoo ka soo baxey Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho Salaada Cisho kadib, Malaaq Maxamed Cali Xuseen ayaa ka mid ahaa Malaaqyadii soo xuley Ergooyinkii soo doortey xildhibaanada Baarlamanka Somaaliya .

Afayeenka Malaaqyada Koonfur Galbeed Malaaq Deerow Yacquub ayaa waxa uu ka tacsideeyey Geeridii ku timid Allah u naxriistee Malaaq Maxamed Cali Xuseen oo xaley Muqdisha lagu diley sidoo kalena waxa uu kawarbixyey aqoonta uu u lahaa Marxunka .

Malaaq Maxamed Cali Xuseen, malaaqani ayaa jirey 70 Sano , wuxuuna ifka kaga tagey 12 caruur ah iyo Hal Xaas, wuxuuna Magaalada Muqdisho u joogey howla shaqo oo la xiriira arimaha dowlada koonfur galbeed somaaliya.

Weriye Maxamed Aadan Maxamed (Wadani)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here