Dhegeyso:- Golaha Waziirada ee Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya oo Magacaawey Gudiga gurmadka abaaraha ooo ka shaqeeya Gobalka SH/HOOSE

0
87

Baydhabo (RKGS) Xili mudooyinkii la soo dhaafey ay gudiga gurmadka abaaraha ee dowlada koonfur galbeed soomaaliya oo uu hogaamineyo waziirka wazaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee dowlada koonfur galbeed madoowe nuunow maxmed iyagoo booqasho iyo kormeer ku joogey qeybo ka mid ah gobalka bakool islamarkaana gadaal ugu soo laabtey magaalada baydhabo ayaa golaha waziirada koonfur galbeed ayaa waxa ay magacaaween gudiga gurmadka abaaraha ee gobalka shabeelada hoose .

Iyadoona gudigaan gurmadka abaaraha ee shabeelada hoose la dooneyo in maalmaha soo socda ay u baxaan gobalka shabeelada hoose si ay markaasi u soo ogaadaan xaalada guud ay ku sugan yihiin dadka ku nool gobalkaasi ee abaarta saameyn ku yeelatey .

Kulanka ay isugu yimaadeen golaha waziirada ee maamulka koonfur galbeed ayaa sidoo kale waxa ya sheegeen in gobalka baay iyo weliba gobalka bakool ay gudigaan in badan ka shaqeeyeen sidaa oo kale xiligaan wixii ka danbeeya loo baahan yahay in gobalka shabeelada hoose ay isu diyaariyaan sidii ay ugu howlgali la haayeen .

Waziirka wazaarada beeraha iyo waraabka ee dowlada koonfur galbeed Maxmed Xasan fiqi ayaa sheegey in gudiga gurmadka abaaraha ee gobalka shabeelada hoose oo mardhow shaqadooda ay ku dadaali doonaan .

Tan iyo markii deegano ka tirsan koonfur galbeed  ay soo wajeheen abaaraha ayaa dowlada koonfur galbeed waxa ay bilowdey u gurmado dadka abaarta saameynta ku yeelatey ee ku nool gobaladaan maamulka koonfur galbeed soomaaliya uu ka koobanyahay

Weriye Abdiaziiz Mohamed Osman (Siiri)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here