Dhegeyso:- Gudoomiyaha Gobalka Baay oo ka hadley hormarada ka jira maagalada Baydhabo.

0
88

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Baydhabo (RKGS)  Iyadoo magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay laga dareemeyaa  hormaro dhinaca dhismaha ah iyo nabadgeliyada islamarkaana magaalada baydhabo laga dhisey wado  dhirarkeeda gaareya hal (km) iyo bar, sidoo kalena buundo weyn la saarey wadada soddonka ayaa haatana.

Gudoomiyaha gobalka baay Abdirashiid Cabdulaahi Maxamed  wuxuu shacabka ku baraarujiyey in ay ka qeyb qaataan  dhismaha jidadka magaalada baydhabo .

Isagoona sidoo kale sheegey in magaalada baydhabo weli ay u baahantahay in wadooyinka laga dhiso .

Gudoomiyaha gobalka baay Abdirashiid Cabdulaahi Maxamed waxaa kaloo sheegey in hormaro badan ay ka talaabsatey magaalada baydhabo sidoo kalena laga hirgeliyey jidad,iskuulo iyo weliba xaruunta lagu xanaaneyo dadka dhimirka la,goobo caafimaad ayaa wuxuu shacabka ugu baaqey in ay ilaalsadaan goobahaasi loo dhisey bulshada ka soo jeeda koonfur galbeed somaaliya gaar ahaan bulshada ku noo magaalada baydhabo

Wuxuuna sidoo kale buraarujiyey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada baydhabo oo si tabarucaat ah u sameystey wadooyinka qaar oo iyaga dayactir ku sameystey islamarkaana jaay ku shubeen

Si kastaba ha ahaatee tan iyo xiligii tiirarka loo taagey dowlada koonfur galbeed oo uu hogaamineyo madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan waxaa guud ahaan koonfur galbeed somaaliya ay haatan naqatey mid isbedal laga dareemo

Iyadoona magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay xaruun kumeel gaar u ah caasimada maamulka koonfur galbeed laga dareemeyaa hormar ay gaaretey dowlada koonfur galbeed ee somaaliya

Weriye Abdiaziiz Maxmed Osman (Siiri)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here