Dhegeyso:- Maamulka Deegaanka Goofgaduud Buuray Ee Gobalka Baay Oo Ka Hadlay How-galo Ciidamada Amaanka Dowladda Koonfur Galbeed Ay Ka Wadaan Duleedka Deegaankaasi

0
91

Baydhabo (RKGS) Gudoomiyaha Maamulka Deegaanka Goofgaduud Buurey Ee Gobalka Baay Xasiney Xasinow Isaaq Oo La Hadlay Raadiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Ka Warbixiyay Howl-galo Ciidamada Dowladda Koonfur Galbed Iyo Kuwa Dowladda Dhexe Maalmihii U Dambeeyay Ay Ka Wadeen Goobo Ka Baxsan Deegaankaasi.

Gudoomiye Xasaney Ayaa Sheegay In Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Ee Fadhigoodu Yahay Deegaanka Goofgaduud Buurey Qorshahooda Uu Yahay Inay Isku Furaan Wadooyinka Isku Xira Deegaanada Gobalka Baay Iyo Sidoo Kale Bakool.

Xasaney Xasanow Isaaq Gudoomiyha Maamulka Deegaanka Goofgaduud Buurey Ayaa Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ugu Baaqay Inay La Shaqeeyaan Ciidamada Amaanka Koonfur Galbeed Si Looga Hortago Falalka Guracan Ee Maleeshiyada Alshabaab Ay Kula Kacaan Dadka Rayid Ee Aan Waxba Galabsan.

Hadalkan Gudoomiyaha Deegaanka Goofgaduud Buurey Ee Gobalka Baay Ayaa Waxaa Uu Kusoo Aadayaa Xili Shalay Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Howl-galo Qorshaysan Ay Fuliyeen Deegaano Ay Mid Tahay Saydheelow, Halkaasi Oo Jab Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Alshabaab.

Weriye Bishaar Bashka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here