Dhegeyso:-Maamulka Degmada Baydhabo Oo Ka Hadlay Cudurka Shuban Biyoodka Ee Dhowaan Ka Dilaacay Magaalada Baydhabo.

0
105

Baydhabo (Ogaaw) Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Degmada Baydhabo Ee Dhinaca Amniga Iyo Siyaasadda Aadan Carab Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Cudurka Shuban Biyoodka Ee Ka Dilaacay  Gudaha Magaalada Baydhabo Iyo Sidoo Kale Deegaanada Ku Hareeraysan.

Gudoomiye Aadan Carab Ayaa Waxaa Uu Tilmaamay In Cudurkani Uu Fara Ba’an Ku Hayo Dadka Kunool Magaalada iyo Nawaaxigeeda,Asagoona Sheegay In Kan Maamul Ahaan Ay U Kuur Galeen Xaaladda Dadka La, il Daran Cudurka Shuban Biyoodka Ee Ku Jira Isbitaalka Weyn Gobalka Baay.

Aadan Carab Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Degmada Baydhabo Ayaa Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay In Isbitaalka Weyn Ay Gaarsiyeen Daawo Loogu Talo Galey In Lagula Tacaalo Dadka Cudurka La Xanuusanaya.

Asagoo Hadalkiisa Sii Wata Gudoomiyaha Ayaa Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay Inay Safar Shaqo Ku Tageen Deegaano Dhowr Ah Oo Hoosyimaada Degmada Baydhabo Si Ay Ugu Kuur Galaan Xaaladda Caafimaad Ee Dad La Sheegay Inuu Soo Ritay Cudurka Shuban Biyoodka, Dadkaasi Oo Ay Gaarsiyeen Daawooyin Iyo Biyo Ay Cabaan.

Ugu Dambeyn Gudoomiye Aadan Carab Ayaa Hey,adaha Qaabilsan Caafimaadka Waxaa Uu Ugu Baaqay Inay Kaalmo Caafimaad Lasoo Gaaraan Dadka Uu Soo Ritay Cudarka Shuban Biyoodka Ee Ku Jira Isbitaalka Weyn Ee Gobalka Baay.

Hadalkan Maamulka Degmada Baydhabo Ayaa Waxaa Uu Kusoo Aadayaa Xili Isbitaalka Weyn Ee Gobalka Baay Ay Jiifaan Dadka Qaba Cudurka Shuban Biyoodka Ee Dhowaan Ka Dilaacay Magaalada Baydhabo Iyo Deegaanada Hoos Yimaada.

Weriye Bishaar Bashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here