Dhegeyso:- Maamulka Gobalka Baay oo ka hadley Cudurka Shuban biyoodka oo hada ka dilaacey Degmooyinka iyo Degaanada Hoos yimaada oo ka tirsan Gobalka Baay

0
110

Baydhabo (RKGS) Iyadoo gobalka Baay uu ka jiro cudurka shuban biyoodka ayaa haatan waxaa la soo sheegeyaa in Degmooyinka qaar iyo Tuulooyinka hoos yimaada ay ka dilaaceen Cudurka Shuban biyoodka kaas oo la il daran yihiin Tiro Dad ah halka qaar kalena ay u dhinteen .

Degmooyinkaasi iyo Tuulooyinka Hoos yimaada dadka ku nool ee cudurkani haleeley ayaa heysan Daawooyin ku filan wallow ay jiraan Daawooyin la gaarsiiyey.

Cabdirashiid Cabdulaahi maxmed waa Degmooyinka Gobalka Baay baay wuxuuna ka Hadley cudurkani Shuban biyoodka oo ka jira Gobalka Baay  isagoona ku baaqey in gargaar lala gaaro Degmooyinka Gobalka Baay oo Cudurka Shuban xiligaan gaarey

Gudoomiyaha ayaa la Hadley shacabka ku nool Degmooyinka Gobalka Baay taas oo ku aadan in gurmad lala gaaro Dadka xiligaan uu cudurka ku gaarey Degmooyinkooda .

Wuxuuna si gaar ah u soo hadal qaadey Degmada Cabdirashiid Cabdulaahi maxmed oo ugu badan Tuulooyinka Hoos yimaada oo Cudurka Shuban biyoodka gaarey , Qansax dheer iyo Bardaale oo iyagana ka mid ah meelaha Cudurkani uu gaarey.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in qof weliba oo awoodo in uu gacan ka geysto ka qeyb qaadasha Gurmadka loo sameyneyey Degmooyinka kale Dadka Cudurka shuban biyoodka la jiifaan wuxuuna intaa ku darey in qof weliba wuxuu awoodo in uu ku taakuleeyo  walaalkiisa manta dhiban.

Gudoomiyaha Gobalka Baay  Cabdirashiid Cabdulaahi maxmed ayaa Baaqiisa ku soo aadeyaa iyadoo Degmooyinka Gobalka Baay Sida Buurhakaba,  Qansax dheer, Bardaale ,Diinsoor iyo Tuulooyin kale oo tira badanoo laga soo sheegeyoin Shacabka ay ku dhibaateysanyihiin sidoo kalena  Boqolaal dad ah ay haatan Cudurkani  la il daran yihiin

Weriye Abdirahman Yusuf Hassan (Timajilac)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here