Dhegeyso:- Madaxweynaha Dowlada Konfur Galbeed Oo Ka Hadlay Arimaha KGS Iyo Xiriirka Dad Weynaha

0
121

Baydhabo (RKGS) Xaalada Dalka Arimaha La Xiriira Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Arimaha Ciidanka  Daqliga Iyo hadalheynta Fadhi Kudirirka Ayuu Ka Hadaly Mudane Shariif Hassan Sheekh Aadan  Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed

Ugu Horeyn madaxweyne Shariif Hassan Waxaa Uu ka Hadlay Aas-aaska dowlada Haatan  Dalka Ka Jirta Ee sida Dadban Ay Doorashadeeda ku Soo Bilaabatey Iyo Kuwii Hore ee Magaalooyinka kale Lagu Soo Dhisayey

Dhismihii Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ay Soo Martey mar Xalado kala duwan Ayuu Ka Sheekeeyey Shriif Hassan Wuxuuna Sheegey In Meeshada hada La Jooga loo soo Halgamey Iyadoona Halgenkaas Ay Bar-bar Socdeen eedeymo UU Ku Sheegey In Ay Ka Midka Ahaan Yeen Iibshada Hantiada dadka

Tartankii Adkaa Ee Loosoo marey Helida Kursiga Xildhibaanimo Waxaa Uu Ahaa Mid Si Aad Ah dadka Qaarkii Ay U Arkeen In Fara galin Lagaga Guuleystey Taa Oo sababtey In Hogaanka Dowlada Koonfur Galbeed La Eedo

Shariif Hasan Ayaa Sheegey In Lagu kalsoonaado Natiijo Walba Oo ka soo baxda Tartanka La galo Lona Baahan Yahay In La Lashaqeeyo Kan Guuleysta

Wuxuu Sheegey Shariif Hasan In eedo badan uga Yimid Qaar Ka Mid Ah Korastii Baydhabo doorashadeeda Lagu Qabta Lkn Uusan Waxba Ka Ogeyn Sida Uu Sheegey

Qaar Ka Mid Ah Dadka Deegaanadaan Ka Soojeeda Ee Xildoon Ah kuna Sugan Magaalooyinka Kale Ayuu Shariif Hassan Sheegey In Warbaahinta ay Ka Wadaan Qal Qal Dowladnimo  Taa Ay Ka Midka Yihiin In Ciidanka KG Ay kala Tageen Taasina Uu Sheegey Madaxweynaha In Aan Loo Dulqaadan Karin

Mar Uu Ka Hadlayey arimaha Anshuuraha madaxweyne Shariif Hassan Sheeklh Aadan Waxaa Uu Sheegey In aysan Jirin dhaqli badan Oo Dowladaan Soo Gala Dadkuna Wali Aysan FahnsaneynBixinta Anshuurta

Ugu Danbeyn Madaxweynaha Dowlada Koonfur  Galbeed Soomalaiya Mudane Shariif Hassan Sheekh Aadan Ayaa Dadka Kula Dardaarmey In Aysan dib U raacin Wixii La Soomarey Ay Ka Taliyaan Dishmaha Dowladnimada

Weriye Mohmed Adam Mohmed (Wadni)

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here