Dhegeyso:- Suuqyada Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Baay Oo Laga Dareemayo Sare U Kac Dhanka Sarifka Doolaarka Ah.

0
90

Baydhabo (RKGS)  Waxaa Suuqayada Magaalada Baydhabo Ee Xarunta  KMG Dowladda Koonfur Galbeed Laga Dareemayaa Sare U Kac Dhanka Sarifka Doolar Ah, Taasi Oo Ay Sariflayaasha U Sababeeyeen Lacagta Kaashka Ah Xili Abaaro Saameyn Ku Yeelatay Dadka Iyo Xoolaaha Ay Ka Jiraan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Shuceyb Maxamed Yuusuf Oo Kamid Ah Saraflayaasha Magaalada Baydhabo Ee Xurunta Gobalka Baay Oo La Hadlay Radio Koonfur Galbeed Ayaa Waxaa Uu Ka Warbixiyay Qiimaha Sarifka Doolarka Uu Marayo, Asagoona Sare U Kaca Ku Micneeyay Abaaraha Ka Jira Deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo Kale Shuceyb Ayaa Waxaa Uu Sheegay Sare U Kaca Doolarka Inay Saameyn Ku Yeelatay Dhamaan Ganacsatada Magaalada Baydhabo Gaar Ahaan Saraflayaasha, Wuxuuna Sheegay In Suuqyada Saraflayaasha Ay Kusoo Bateen Lacagta Kaashka Ah Ama Shiling Soomaaliga.

Sare U Kacan Ku Yimid Qiimaha Sarifka Doolarka Ee Magaalada Baydhabo Ayaa Waxaa Uu Ku Soo Aadayaa Xili Deegaanada Koonfur Galbeed Ay Kajiraan Abaaro Baahsan Iyadoona Magaalada Baydhabo Ay Noqotay Meesha Kaliya Ay Kusoo Qulqulayaan Dadka Kasoo Barakacaya Abaaraha

Weriye Bishaar Bashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here