Dhegeyso:+Sawiro:-Dowladda Koonfur Galbeed Oo Ka Tcsiyadaysay Malaaqyadii Shalay Ku Dhintay Qaraxyadii Hotel Dayax Ee Magaalada Muqdisho.

0
95

Baydhabo (RKGS)  Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Waziirka Beeraha Iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan Fiqi Ayaa Waxaa Uu Ka tacsiyadeeyay Geeridii Kutimid Dadkii Shalay Ku Dhintay  weerar ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xasan Fiqi Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Ayaa Si Gaar Ah Tacsiyo Ugu Diray Ehelada,Qaraabada, Iyo Umadda Deegaanada Koonfur Galbeed, Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Ku Timid  Malaaq C/rashiid Sheikh C/salaam Iyo Malaaq Malabow Kuwaasi Oo Ku Dhintay Weerarkii Shalay Kooxaha Nabadda Iyo Nolol Diidka Shabaab Ay Ku Qaadeen Hotel Dayax Ee Magaalada Muqdisho.

Kusimaha Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxaa Sheegay In Malaaqyadan Ay Qeyb Lixaad Leh Kasoo Qaateen Dhismihii Dowladda Xasan Sheikh Maxamuud Ee Wakhtigeedu Dhamaaday Iyo  Dhismihii Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Hadda Aynu Harsanyno Hooskeeda, Asgoona Dhanka Kale Caafimaad Alle Uga Rajeeyay Malaaqyadii Kale Ee Ku Dhawacmay Weerarkaasi.

Sidoo Kale Waziirka Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay Ayaa Asna Waxaa Uu Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timid Malaaq C/rashiid Sheikh C/salaan Iyo Malaaq Malabow Oo Labaduba Kamid Ahaa Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, Waxuuna Alle Uga Baryay Inuu Janatul Fardowsa Ka Waraabiyo,

Waziir Xasan Eelay Ayaa Sidoo Waxaa Uu Sheegay In Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ay Kordhin Doonaan Howl-galada Ka Dhanka Ah Maleeshiyada Cadaysatay Daadinta Dhiigga Dadka Aan Waxba Galabsan Ee Wax Galka U Ah Bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Alle Ha, Uwada naxariiste Malaaq C/rashiid Sheikh C/salaan Iyo Malaaq Malabow Ayaa Labaduba Kaalin Mug Leh Kasoo Qaatey Dhismihii Dowladda Koonfur Galbeed Ee Uu Madaxweynaha Ka Yahay Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wariye Bishaar Bashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here