Dhir Lagu Beeray Wadada Maka Almukarma

0
103

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Isku Abaabulay kor u qaadista Bilicda Caasimadda Soomaaliya,  kuna midoobay Magaca Ubaxa Caasimadda, ayaa bilaabay in Dhir Qurux badan iyo Leerar Iftiimayana ku Beeraan wadada Maka Al Mukarama, oo ah waddo muhiim u ah isku socodka Magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada ayaa Qeybo kamid ah bartanka wadada ku beeray dhir noocyo kala duwan ah, iyagoo sidoo kalana Rinji Qurxinaya Marshabiyeedka mariyay qeybo wadada kamid ah ayna qorshaha ugu jirto in sidoo leerar ay ku xiraan qeybaha muhiimka ah ee wadada, si ay u soo laabato bilicda magaalada Muqdisho.

Maxamed Xuseen Xasan Lafoole, waa Guddoomiyaha dhallinyarada Ubaxa Caasimadda, mar ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA kula kulantay Wadada Maka Al Mukarama ay shaqo ka wadeen ayuu sheegay in qorshahoodu uu yahay Ubax ku beerista garoonka Diyaaradaha illaa KM0 Ex Baar FIAT.

“Qiimeyn ayaan ku sammeynay ka hor inta aan shaqada la bilaabin, Dhir Qurxoon ayaan Wadada ku beereynaa, Rinjiyeen iyo Leerar Wadada Iftiimiya oo loogu talagay ayaan sidoo kale ugu talagalnay, waxaana ugu talagalnay Lacag gaareysa $15,000 (Shan iyo Toban Kun oo Doollar), waxaana kusoo dhaweeneynaa Muwaadin kasta oo jecel in uu ka qeybqaato fikirkaan wanaagsan oo ay nagu xambaartay wadaniyad iyo dal jaceyl” ayuu yiri Lafoole.

Guddoomiyaha dhallinyarada Ubaxa Muqdisho Maxamed Xuseen Xasan Lafoole, ayaa intaa ku daray in ay lagamamaarmaan tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan, ayna u istaagaan ka qeybqaadashada Mashaariicda dib loogu dhisayo Dalka Soomaaliya, si looga baxo baahida dhalinyarada Soomaaliyeed ku qasabtay in naftooda ay ku biimayaan Badaha.

Sidoo kale Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku howlan Olole ballaaran oo lagu soo celinayo Bilicda Magaalada Muqdisho, waxaana waddooyinka Howlbowlaha u ah isku socodka bulshada ka socda dib u dhis ballaaran oo Maamulka Gobalka Banaadir uu hoggaaminayo, taas oo ay barbarsocota nadaafa joogto ah oo Dowladda Hoose ee Xamar ay qoondoosay Haween Xilliyada Habeenkii ah ka shaqeeya nadaafadda waddooyinka dib loo dhisay, kuwaas oo xilliyada fiidkii ah lagu arkayo iyagoo oo Laamayada Xaaqaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here