Dhismaha Tiyaatarka Qaranka oo meel wanaagsan maraya.

0
106

Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska iyo dayac-tirka golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan la billaabay.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka, Cusmaan Cabdullaahi Guure, ayaa sheegay in haatan dib u dayac-tirka lagu sameeyay qaar kamid ah Xafiisyadii lagu shaqeyn jiray, sidoo kalena ay xigi doonto dhammaystirka inta ka dhimman, oo ay soo laabato bilidii iyo quruxdii ay Ummadda Soomaaliyeed ku garan jireen.

Wuxuu sheegay Maareeyuhu inay isku tashan doonaan, kuna dhisi doonaan Tiyaatarka Qaranka Barnaamijka Is-xilqaan, sidii ay Madaxda Soomaaliyeed horay u sheegeen, haddii uu Caalamka ku garab istaagana ay soo dhoweynayaan.

“Madaxda Qaranku waxay ballan qaadeen in Tiyaatarka dacay-tirkiisu la billaabayo, Soomaaliduna ay isku tashato marka koobaad, ka dibna Adduunka ciddii la na caawineysa ma diideyno” ayuu yiri Maareeyuhu.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhawaan  Dhagax dhigay dib u dayar-tirka iyo dhismaha Tiyaatarka Qaranka, wuxuuna sheegay in muddo Sagaal Bil gudahood ah lagu dhisi doono Barnaamijka is-xilqaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here