Dhul-gariir aan dabiici ahayn oo ka dhacay Kuuriyada Waqooyi

0
153

Muqdisho(RKGS)–Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday iyo xog sirdoon ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaq uu ka jiray goobta ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabiso nukliyeerka ee Punggye-ri, kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa tijaabadii 5aad, iyadoo maanta oo Jimca ah waxay ku aadan tahay Maalinta Qarannimada ee Dalkaasi, waxaana lagu soo waramayaa Kuuriyada Waqooyi ay Munaasabadahaan oo kale u adeegsataa inay ku soo bandhigto awooddeeda ciidan.

Wakaaladda Wararka Yonhap ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in arrintaasi ay u badan tahay inay ahayd tijaabo nukliyeer, waxaana horey u jiray dhul gariirro dad-samee ah oo xajmigaas leh, kuwaasoo ka dhacay isla goobta tijaabada laga sameeyey, balse wax xaqiijin ah lagama hayo Kuuriyada Waqooyi, waxaana lagu qiyaasay xajmiga dhul-gariirkaasi 5.3 cabirka dhul-gariirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here